Ciidamada Kenya oo howlgalo ka wada Magaalada Mandera

Ciidamada dalka Kenya ayaa howlgalo waxa ay ka wadaan Magaalada Mandera iyo duleedka Magaaladaasi, kadib cabsi ku aadan dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo halkaasi laga sheegay. 

Ururka Al Shabaab ayaa fuliya weerarada qorsheysan ee ka dhacay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya. 

Dadka deegaanka waxa ay sheegen saaka markii ay soo tooseen inay ka warheleen ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya oo howlgalo ka wada duleedyada Magaalada Mandera. 

Inkastoo Saraakiisha aysan sheegin cid ay howlgaladaasi ay ku soo qab qabteen, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan ciidamada si nabadgelyo ah inay u wadaan howlgalka. 

Al Shabaab ayaa ku hanjabay inay fulinayaan sanadkan cusub weeraro dhiig badan ku daato gudaha dalka Kenya.

Faallooyin