Baarlamaanka oo maanta dhageysanaya Khudbadaha Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka labaad

Baarlamaanka oo maanta dhageysanaya Khudbadaha Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka labaad09 January 2017

Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta  Khudbado waxa ay ka dhageysan doonaan  Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay dhageystay khudbadaha Musharaxiinta u taagan Qabashada gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka kowaad.

Maanta ayaa lagu waddaa in la soo gaba gabeeyo Dhageysiga Qudbadaha Musharaxiinta, waxaana sidoo kale loo diyaar garoobayaa Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo 11-ka ilaa 12-ka Bishan.

Murashaxiinta waxaa ay kala yihiin:

  1. Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi
  2. Mahad Cabdalla Cawad,
  3. Burhaan Aden Cumar,
  4. Cabdulahi Xusen Cali,
  5. Cabdiweli Maxamed Qanyare,
  6. Xuseen Cabdi Cilmi,
  7. Cabdulahi Godax Barre,
  8. Jamaal Xasan Ismacil,
  9. Cusman Ducaale, C
  10. ilmi Maxamed Nuur,
  11. Cabdiraxmaan Aden Ibarhim
  12. Maryan Axmed Harun.

Comments