Lix Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho

Lix Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho08 January 2017

Lix ka mid ah Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ku meteli doono Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan oo mid ka mid ah ay haweeney tahay, ayaa codad badan kaga guuleystay xubnihii kale ee kuraastaasi kula tartamaayay.

Xildhibaanada la doortay waxay kala yihiin:-

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi
Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac
Xildhibaan Mustaf Maxamed Qodax
Xildhibaan Muna Cumar xasan
Xildhibaan C/risaaq Axmed
Xildhibaan C/kariin Maxamed Xasan.

Sida uu qorshuhu ahaa waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu doortay lixdii Xildhibaan, ee horey loo qorsheeyay in doorashadoodu qabsoomto.

Comments