Muxudiin Sheekh Cali oo ku guuleystay Kursiga labaad Aqalka Sare ee Somaliland

08 January 2017

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee ka socota Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Kursigii labaad ku guuleystay Muxudiin Sheekh Cali oo la tartamaayay dhowr xubnood.

Waxa uu la tartamaayay Muxudiin xubnaha kala Abdi Yusuf & Mohamed Sh Ibrahim oo uu ka guuleystay.

Xildhibaan Muxudiin Sheekh Cali ayaa helay codad gaaraya 41 cod oo Ergada doorashada ay ku doorteen.

Ergada Doorashada ayaa gaaraysa 51 xubnood, kuwaasi oo ka soo jeeda Beesha kursigaan leh.

Muxudiin Sheekh Cali ayaa noqonaya xubintii labaad ee Kursiga Aqalka Sare Gobolada Waqooyi loo doorta.

Comments