Ciidamada Nabad Suggida oo qabtay mooto waxyaabaha qarxa ay saaran yihiin

Ciidamada Nabad Suggida oo qabtay mooto waxyaabaha qarxa ay saaran yihiin08 January 2017

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, ayaa gacanta ku dhigay mooto nooceeda uu yahay dhugdhugleey, taasi oo ciidanka ay ka qabteen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada NISA, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay mootadan oo ay saarnaayeen Jaakadaha qarxa iyo qaraxyo kale in ciidanka ay heleen xogtooda kadibna ay uga hortageen Degmada Afgooye.

Mootada ninka waday ayaa la doonaayay in la soo galiyo Magaalada Muqdisho, kadibna qaraxyadaasi Magaalada lagu dhibaateeyo.

Saraakiisha NISA, waxa ay sheegeen inay ka hortageen falkaasi iskuyga ah ee la damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka Somaliyed.

Ciidanka ayaa soo waday mootada iyo ruuxii watay, waxaana iminka lagu haayaa goobaha Baarista ee ciidamada Nabad Suggida.

Comments