Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo noqday Xubintii ugu horeysay Aqalka Sare Gobolada Waqooyi

Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo noqday Xubintii ugu horeysay Aqalka Sare Gobolada Waqooyi08 January 2017

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee ka socota Magaalada Muqdisho, ayaa goor dhaweyd waxaa la soo gaba geeyay Kursigii koowaad, iyadoo Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi uu noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doortay Kursiga Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa ku soo baxay codad gaaraya 29 cod, wuxuuna ka guuleystay Maxamuud Jirde Xuseen oo ahaa ruuxii la tartamaayay.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Cabdi Xaashi uu yahay ruuxii ugu horeeyay ee loo doorta Kursiga Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo doorashadooda ay ka socota Muqdisho.

Waxaa dhiman Xubno kale oo doorashadooda la filaayo in isla maanta la soo gaba gabeeyo.

1483866242da9c6.jpg

Comments