Isbaarooyin cusub oo ku soo kordhay Gobolka Shabellaha Dhexe

Isbaarooyin cusub oo ku soo kordhay Gobolka Shabellaha Dhexe08 January 2017

Isbaarooyin cusub ayaa ku soo kordhay Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo ganacsatada ay sheegayaan in dhibaato ay ku tahay arintaasi.

Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa la sheegayaa saddexdii cisho ee la soo dhaafay inay ku soo kordheen tiro Isbaarooyin ah.

Wararka waxa ay sheegayaan in isbaarooyinka oo gaaraya saddex isbaaro gaadiidka lacago fara badan looga qaado, taasi oo caqabad ku ah ganacsatada.

Maxamed Nuur oo ka mid ah ganacsatada Raashinka geysa Degmada Mahadaay, ayaa sheegay gaadiidka lacagihii ay ku qaadi jireen raashinka inay kordhiyeen sababo ku aadan Isbaarooyinka cusub ee Gobolka ku soo kordhay.

“Waxaan ka cabaneynaa maciishaddii oo kor u kacday, loorka  wixii lagu keeni jiray laguma keeni karo ugu yaraan 21 doolar ku dhawaad ayaa ku korartay, nimankii gobolka Shabeelaha Dhaxe joogay markaan u tagnay waxay leeyihiin idinku un la mucaamila.” Ayuu yiri Maxamed.

Maamulka Hirshabelle weli kama aysan hadlin isbaarooyinkaan cusub ee Gobolka ku soo kordhay oo ganacsatada ay ka cabanayaan.

Comments