Madaxweynaha Galmudug oo hakiyay dhamaan howlihii Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug oo hakiyay dhamaan howlihii Maamulka Galmudug08 January 2017

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku hakiyay dhammaan howlihii hay’addaha dowladda ee Maamulkiisa, ka dib markii maalintii shalay ay askar ka amar qaadatay madaxtooyada ay kala eryeen xildhibaanadii barlamaanka oo u furmi lahaa kalfadhigii labaad.

Madaxweynaha ayaa wareegtadiisa wuxuu ku amaray in in dhammaan hay’adaha dowladda ay u wada guntadaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen iyo in sidoo kale laga qeybqaato sidii loo dhameystiri lahaa doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankiisa uu ku saleeyeen war-murtiyeedkii shalay uu soo saareen  guddoonka barlamaanku ee dib loogu dhigay kalfadhigii barlamaanka Galmudug.

1483861215d03dc.jpg

Comments