Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Gobolada Waqooyi oo maanta Muqdisho ka dhaceysa

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee xubnaha Somaliland ayaa la filayaa inay maanta ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka aqalka sare ee beelaha waqooyi Gen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa xaqiijiyay iney maanta jirto doorashada Aqalka Sare ee Xubnaha Somaliland.

“Waxaa la filayaa in la doorto illaa 6 xubnood oo ka tirsan tartamayaasha kuraasta aqalka sare ee beelaha Somaliland, waxaa ay ka dhaceysaa xerada gadiidka.” ayuu intaa raaciyay.

Comments