Saddex qof oo ku dhimatay qarax caawa ka dhacay maqaaxi ku taala Isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho

Saddex qof oo ku dhimatay qarax caawa ka dhacay maqaaxi ku taala Isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho07 January 2017

Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhimatay qarax miino oo caawa ka dhacay maqaaxi ku taala Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Maqaaxida oo ay fariisan jireen Ciidamada Dowladda Somaliya iyo dad rayid ahba, ayaa waxaa la sheegay in qaraxa kol hore lagu sii diyaariyay maqaaxida.

Goobjooge qaraxaasi ka hadlay, ayaa yiri "Maqaayadan waxaa la dhahaa Waa Yaabeysaa, Isgoyska Tarabuunka ayayna ku taallaa. Inta badan waxaa fariista Ciidamada Dowladda qaarkood iyo dad shacab ah."

"Maqaayado badan ayaa ku yaala Isgoyska Tarabuunka, laakiin middaan ayay ku badan yihiin Ciidamada Dowladda, xilliyada galbihii iyo habeenkiiba."

"Saddex qof ayaa ku dhimatay qaraxa, saddex kalana way ku dhaawacantay. Waxaa intaas dheer burbur wayn ayuu qaraxaasi soo gaarsiiyay maqaayadda."

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaan weli ka hadlin qaraxa khasaaraha gaystay ee caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Comments