Madaxweynaha Somaliya oo maanta xariga ka jaray Xarunta Aqalka Sare (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta KMG ah ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, isla markaasna furay Kalfadhiga koowaad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xaruntan cusub ee Aqalka Sare uu si ku meel gaar ah ugu sii shaqeyn doono, ayaa waxaa dhistay Dowlada aan wallaalaha nahay ee Turkiga. Xaruntan ayaa loogu talogalay xarun waxbarasho, laakin bacdamaa uu Aqalka Sare u baahan yahay xarun rasmi ah ayuu si KMG ah ugu sii shaqeyn doonaa.

Madaxweynaha oo uu wehliyey Safiirka Turkiga iyo Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare, ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta KMG ah ee Aqalka Sare. Madaxweynaha ayaa soo kormeerray xafiisyada iyo qeybaha shirarka ee xaruntan cusub.

Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Raage, ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey furitaanka xaruntan, dowladda Turkiga ayuu si weyn ugu ammaanay waxbqadkooda Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dhowaanna ay si dhab ah u guda-geli doonaan howlaha looga fadhiyo.

Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga dhismaha xaruntan weyn, waxa uuna tilmaamay in xarunta Aqalka Sare ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in xaruntan ay tahay mid waxbarasho oo mustaqbalka loo isticmaali doono.

Madaxweyne Xasan, ayaa kula dardaarmay xubnaha Aqalka Sare in ay guda galaan shaqooyinkooda, dowladduna ay xoogga saari doonto in ay soo dadajiso waxyaabaha ka haray adeegyada ay u baahan yihiin. Madaxweynaha Soomaaliya, ayaana si rasmi ah u furay Kal-fadhiga koowaad ee Aqalka Sare.

Faallooyin