Qarax gaari qooqan ah lagu xiray oo ka dhex dhacay Xarunta UNDP ee Muqdisho

Wararka laga helaayo dhismaha Xarunta UNDP ay ka degan tahay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay saaka qarax lagu soo xiray mid ka mid ah gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada Somalida ee ilaaliya Xarunta UNDP.

Gaarigaan ayaa habeenkii waxaa lagu xareeyaa Garaash ku yaalla Isgoyska KM4 waxaana laga soo bixiyay saaka Garaashkaasi, iyadoo ciidamada ay soo raaceen.

Markii uu gaariga yimid xarunta UNDP ee ku taalla wadada aada Garoonka Aadan Cadde ayaa halkaasi waxaa ka degay ciidanka, gaariga ayaa waxaa lagu xareyay Garaash yar oo ku dhex yaalla xarunta UNDP.

Gaariga oo noociisa uu yahay midka Somalida ay u taqaan Qooqan (Hilux) ayaa mar kaliya qarxay isaga oo dhex yaalla Garaashka yar ee ku dhex yaalla dhismaha Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho.

Afar Askari oo ka mid aheyd ciidamada ilaaliya Garaashka ayaa halkaasi ku dhaawacantay, kuwaasi oo ah ciidan Somali.

Ilaa hada ma cadda in Gaarigaan qaraxa lagula soo xiray Garaashkii laga soo bixiyay ee ku yaalo Isgoyska KM4 iyo in qaraxa lagula xiray Garaashka yar ee xarunta UNDP ku dhex yaalla.

Saraakiil ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay ee Ajaanibta ayaa wada baaritaan ku aadan gaarigaasi ku dhex qarxay xarunta UNDP.

Faallooyin