Shabaab oo xalay weeraray fariisin ciidamada dowladda ku leeyihiin Koontaroolka Jowhar laga galo

04 January 2017

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Somaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Koontaroolka Waqooyi ee degmada Jowhar, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Ugu yaraan 3 qof ayaa dagaalkaasi ku dhaawacantay, waxaana wararku ay sheegayaan in la isku adeegsaday rasaas xooggan.

Xaaladda guud ee halkii xalay lagu dagaallamay waa ay deggan tahay, waxaana dagaalka uu ahaa mid socdey ku dhowaad 1-saac.

Saraakiisha dowladda ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya ee gobolka Shabellaha Dhexe weli wax war ah kama aaney soo saarin dagaalkaasi, balse shacabka ku dhaqan dgemada Jowhar ayaa hadal haya dagaalkii xalay dhacay.

Comments