Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta qaabilay Taliyaha Militariga Uganda (SAWIRRO)

03 January 2017

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda, General Katumba Wamala, oo Isniintii booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa kulankan ku wehlinaayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Aadan Axmed iyo Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda, ayaa waxaa isna kulanka ku wehlinaayay xubno ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Uganda ka joogga Somaliya.

Taliyaha, ayaa Madaxweynaha Somaliya soo gaarsiiyay farriin uu kaga waday dhigiisa Uganda, Yoweri Museveni, taasi oo ku aadaneyd hawlgalka Ciidanka Uganda ka wadaan dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey booqashada uu Taliyuhu ku yimid Somaliya iyo sida ciidamadooda, ay Dowladda Somaliya uga caawinayan suggida nabadgelyada.

14834471432d95b.jpg

1483447145be6e5.jpg

1483447147ddf68.jpg

Comments