Hotel Peace oo burbur baaxad leh uu ka soo gaaray qaraxii shalay (Daawo Sawirada)

03 January 2017

Burbur baaxad leh, ayaa ka muuqanaya dhismaha Hotel Peace ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii shalay lagu weeraray gaari waldxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaariga weerarka loo adeegsaday oo nooca xamuulka ahaa, ayaa ku qarxay laamiga uu saaran yahay hotelka, iyadoo dhismooyinka ku dhow dhowna uu burbur wayn soo gaarsiiyay.

Tiro meydad ah, ayaa laga soo saaray dhismooyinka burburay, sida ay soo sheegayan Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Sababta hotelkan loo beegsaday, ayaa waxaa lagu macneeyay, iyadoo ay ku badan yihiin ajaaniibta, sidoo kalana ay degan yihiin xubno ka tirsan Dowladda Somaliya iyo shakhsiyaad xubno ka ah Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka.

Al Shabaab, ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan iyo mid kaloo ka horeeyay, oo lala eegtay bar kontorool oo Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Isgoyska Danwadaagta ee Degmada Wadajir.

1483422919280f2.jpg

1483422920e8908.jpg

1483422922edfde.jpg

148342292346456.jpg

148342292424449.jpg

1483422926d751b.jpg

14834229285c1bb.jpg

148342292952e7e.jpg

148342293001004.jpg

1483422932b661d.jpg

1483422932004a4.jpg

148342293326479.jpg

148342293409ca6.jpg

Comments