Shabaab oo saddex Askari ku dilay Gobolka Gedo, hubkiina ka qaatay

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa si gaadmo ah ku dilay saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka Somaliya, kuwaasi oo lagu dilay Gobolka Gedo.

Askartaan ayaa la dilay xilli ay saarnaayeen Mooto oo ay ka soo raaceen deegaanka Yurkud, waxayna ku wajahnaayeen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Ciidamo Shabaab ka tirsan oo wadada u galay Askartaan ayaa rasaas huwiyay mootadii ay saarnaayeen ciidamada, waxayna taasi sababtay inay goobta ku geeriyoodaan saddexdii Askari.

Shabaab ayaa qaatay hubkii ay wateen askartaasi, waxaana muddo labo saacadood kadib ah gaaray goobta dilka uu ka dhacay ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda.

Ciidankaan oo watay labo baabuur oo nooca dagaalka ah ayaa ka ambabaxay Degmada Luuq, waxayna tageen halkii lagu dilay Askarta oo ay ka soo qaadeen meydkooda.

Ciidamada Dowladda ayaa sameeyay howlgalo ay ku baadigoobayeen Shabaabkii dilka geystay, balse ma aysan suuragalin inay gacanta ku soo dhigaan Xoogagaasi.

Faallooyin