Shariif Sheekh Axmed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Shariif Sheekh Axmed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho 01 January 2017

Madaxweynihii hore ee Somaliya SHariif Sheekh Axmed, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay isla Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa ah musharax saameyn ku leh Siyaasada Somaliya oo xilligaan ay mareyso meel xasaasi ah, marka la eego sida Musharaxiinta ay loolan adag ugu jiraan arimaha ku aadan Doorashada sanadka 2017-ka.

Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa Shariif Sheekh Axmed, waxaa loo galbiyay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay,halkaasi oo ah goob amnigeeda si weyn loo adkeeyay.

Musharaxiin fara badan ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loolan adag ugu jira sidii ay ku hanan lahaayeen codadka Xildhibaanada cusub ee Doorashada geli doona.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa shalay ansixiyay in Musharaxiinta xilka Madaxtinimada Somaliya laga qaado lacag dhan Sodonkun oo doolar, halka Musharaxiinga Guddoonka Baarlamaanka laga doonaayo 15-kun oo doolar.

Comments