Taliye ku xigeenkii Ciidanka Madaxtooyada oo maanta Muqdisho lagu aasay (SAWIRRO)

Taliye ku xigeenkii Ciidanka Madaxtooyada oo maanta Muqdisho lagu aasay (SAWIRRO)01 January 2017

Taliye ku xigeenkii ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliya Gaashaanle Sare Cabdi Cabdulle Qoor-gaab, ayaa maanta meydkiisa Salaada Janaasada waxaa lagula dukaday Masaajidka Madaxtooyada Somaliya.

Salaadda Jannaasada, ayaa lagula Dukadey Masjidka madaxtooyada, waxaana ka qeyb-galay taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Cali Baashi, taliyaha ciidammada Cirka Soomaaliya, S/guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beyloot), saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga iyo masuuliyiin ka socotay madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa shalay duhurkii lagu dhex toogtay Madaxtooyada Somaliya, kadib markii Askari ka tirsanaa ciidanka uu u taliyo uu dilay.

Meydka Marxuumka ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay Saraakiisha ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

14832625418069c.jpg

1483262542defd5.jpg

148326254476bdc.jpg

148326254459dcc.jpg

Comments