Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ku guuleysatay Kursiga Aqalka hoose

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ku guuleysatay Kursiga Aqalka hoose01 January 2017

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqotay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, kadib markii ay ka guuleysatay Caasha Aadan oo Kursiga kula tartamaysay.

Fowsiya ayaa heshay codad gaaraya 45 cod, kadib markii Ergada Doorashada inta badan ay u codeyeen Fowsiya.

Waxa ay horay u soo noqotay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore, sidoo kale waxa ay soo noqotay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Ergadii u dooratay Xildhibaanada ayeey u mahadcelisay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, maadaama ay u doorteen Xildhibaan cusub.

Comments