Cabsi laga qabo Shabaab inay weerar ka geystaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Cabsi laga qabo Shabaab inay weerar ka geystaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya01 January 2017

Iyadoo Saraakiisha ammaanka dowladda Kenya ay sheegayaan in laga cabsi qabo in dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ka geystaan dalka Kenya, ayaa dowlada Kenya waxa ay ciidamo dheeraad ah ay geystay xadka ay la wadaagto dalka Somaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegaysa in Al-Shabaab ay qorshaynayaan in ay dalka Kenya ay ka geystaan weeraro bilowga maalmaha sanadka cusub.

Warbixin hoose oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ilaha sirdoonka ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay ciidamo dheeraad ah ay geysay xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , si looga Hortago weeraro ka dhaca gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya.

Ammaanka Magaalooyinka Waa weyn ee dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay .

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadayaan ciidanka dowladda Kenya ee ku safraaya xadka labada dal , waxaana weeraro ka dhacay xadka lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Kenya.

Al-Shabaab ayaa Kenya kusoo qaadeysay weeraro laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasi oo ciidanka dowladda kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.

Comments