Xildhibaanada Labada Aqal oo diiday in ay ansaxiyaan miisaaniyadda sanadka 2017

Xildhibaanada Labada Aqal oo diiday in ay ansaxiyaan miisaaniyadda sanadka 201701 January 2017

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo Sabtidii shalay ku kulmay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa ka horyimid in ay ansaxiyan miisaaniyadda sanadkan 2017.

Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa Xildhibaanada Labada Aqal u soo bandhigay miisaaniyadda 2017, iyadoona uu ka codsaday in ay ansaxiyan.

Xildhibaanada oo ku kala qaybsamay soo jeedinta Wasiirka, ayaa ugu dambeen cod u qaaday, waxayna intoodu badan ay ka horyimaadeen meelmarinta miisaaniyadaasi.

Wasiirka, ayaa sheegay maadaama ay Xildhibaanadu diideen ansaxinta miisaaniyadan, in ay Xukuumaddu ku shaqayn doonto saddexda bilood ee soo socda miisaaniyadda sanadkii 2016.

Wasiirka, ayaa wuxuu intaa ku daray in miisaaniyadda 2016, ay meesha ka saareyso mushaaraadka Xildhibaanada Aqalka Sare, waayo Aqalka Sare oo aan jirin xilligii la meelmarinaayay miisaaniyadaasi.

Comments