Axmed Biif: Waa xaalad dadban in la joojiyo bandhigii aan caawa ku qaban lahaa Magaalada Muqdisho

Axmed Biif: Waa xaalad dadban in la joojiyo bandhigii aan caawa ku qaban lahaa Magaalada Muqdisho31 December 2016

Bandhig faneed uu caawa qorsheynaayay fannaanka Axmed C/kariin Maxamed (Axmed Biif) in uu ku qabto Magaalada Muqdisho, ayaa laga hor istaagay.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa ka hortimid in wax bandhig ah lagu qabto Magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortagayo in dadku u dabaal-deggan dhalashada sanadka cusub.

Axmed Biif, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku yiri "Waa nasiib-darro in Caasimaddii Somaliya ee Muqdisho, oo aan fanka ka bilaabay la'ii sheego inaanan wax bandhig ah ku qaban karin."

"Sababta loo joojiyay bandhigga waa si dad badan, iyadoo ay Maamulka Hotel Samiira ii sheegeen in ay u joojiyeen xaalado dadban awgood."

"Waxaan u mahadcelinaya dhammaan umadda Somaliyeed ee ka xumaatay xaaladan dadban, gaar ahaan shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, ee ka xumaatay xaaladda dadban ee lagu joojiyay bandhigayga."

Comments