Burundi oo ku hanjabay inay dacwayn doonto Midowga Afrika, Ciidamadoodana ay kala baxayaan dalka Soomaaliya

Burundi oo ku hanjabay inay dacwayn doonto Midowga Afrika, Ciidamadoodana ay kala baxayaan dalka Soomaaliya 31 December 2016

Dawlada Burundi ayaa ku hanjabay inay dacwayn doonaan Midowga Afrika (AU) oo ku fashilmeen in ay bixiyaan mushaarka ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay muddo ka badan hal sano qaadan wax mushahar ah.

"Hadii ay ku guul daraystaan Midowga Afrika inay xalliyaan dhibaatada bisha soo socota, askarta Burundi waxay ka bixi doonaan howlgalka," ayuu yiri.

Iyada oo 5.432 askari ee ku suganyihiin Soomaaliya, Burundi waa dalka labaad ee ugu badan ciidamada AMISOM ka dib Uganda. kuwa kale ee ka midka ah waa Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Ururka Midowga Afrika inay wiiqayso 'nabad ilaalinta kuwa oo dalkooda ay ku bixiyeen khayraad badan, tababar iyo qalabaynta ka hor inta aan loo soo dirin Soomaaliya.

"Dadku waa in ay ogaadaan in qofna awoodin in ay gudaan nolosha askarta iyo kuwa ku dhaawacmeen," ayuu yiri.

"Waxaan la galnay heshiis iyaga (AU) ka dibna waxay go'aansadeen inay ixtiraamin.

Comments