Xildhibaanada oo meelmariyay in murashaxiinta Madaxweynaha laga doonayo soddon kun oo dollar

Xildhibaanada oo meelmariyay in murashaxiinta Madaxweynaha laga doonayo soddon kun oo dollar31 December 2016

Xildhibaanada Labada Aqalka (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare) oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa ansaxiyay lacagaha laga doonayo in ay bixiyan murashaxiinta.

Xildhibaanada, ayaa ansaxiyay in murashaxiinta Madaxweynaha laga doonayo soddon kun oo lacagta Mareykanka ($30,000), halka murashaxiinta Guddoonka Baarlmaanka, ay iyaguna tahay in ay bixiyan shan iyo toban kun oo dollar ($15,000).

Gudoomiyaha kmg ee Baarlamaanka, Cismaan Cilmi Boqore, ayaa ku dhawaaqay in 226 Xildhibaan, ay haa ugu codeysay, iyadoo 11 ay diiday, halka 2 kalana ay ka aamustay.

Kulankii maanta, ayaa lagu dhaariyay 17 Xildhibaan, kuwaa oo ay ku jiraan xubno ay laba toddobaad ka hor laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Comments