Taliye Ku Xigeenkii Ilaalada Madaxtooyada Somaliya oo Madaxtooyada lagu dhex dilay

Taliye Ku Xigeenkii Ilaalada Madaxtooyada Somaliya oo Madaxtooyada lagu dhex dilay31 December 2016

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhow Xarunta Madaxtooyada dhexdeeda lagu dilay Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada.

Sarkaalkan, ayaa waxaa dilay askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, iyadoo laba askari oo kalana uu goobtaasi ku dhaawacay.

Askarta dhaawaca ah, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay la jooggeen Sarkaalka la dilay. Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo koobay Qoorgaab.

Ilo wareedyo, ayaa Universaltv u sheegay in askariga falkaasi gaystay uu durbaba ka baxsaday Xarunta Madaxtooyada.

Ciidanka Ilaalada Villa Somaliya, ayaa wada baaritaano ku aadan askarigaasi. Ma cadda waxa keenay dilka Qoorgaab.

Comments