Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo isku day dil ka badbaaday

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo isku day dil ka badbaaday31 December 2016

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay, C/laahi Cali Watiin ayaa la sheegay inuu ka badbaaday isku day dil kadib markii gaarigiisa qarax miino lala eegtay duleedka Degmada baydhabo.

Gaariga Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu maraayay inta u dhaxeysa deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay iyo Degmada Baydhabo, balse xilliga qaraxa lala eeganaayay uu ku sii jeeday Baydhabo.

Qaraxa ayaa dhacay markii uu gaariga dulmaray, laakiin Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay qaraxa inuu dhacay, kadib markii Baabuurka uu gubay.

Askar ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad Baydhabo lagu daaweynaayo.

Xoogaga Shabab oo sheegtay masuuliyada qaraxaasi, ayaa ku faanay inay dileen Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Comments