Ciidamada Dowladda oo howlgal ka wada Degmada Afgooye

Ciidamada Dowladda oo howlgal ka wada Degmada Afgooye31 December 2016

Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya ayaa maanta waxa ay howlgallo ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib dagaal maalin ka hor ka dhacay degmadaasi.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay guri guri u baarayaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye, iyadoo maanta uu yar yahay dhaq dhaqaaqii dadweynaha ee degmadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan iyo maamulka degmada Afgooye oo aan isku daynay inaan wax ka weydiinno haddii ay jiraan dad lagu soo qabtey howlgalladan waa ay ka gaabsadeen.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii lasoo dhaafay waxay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Comments