UNHCR oo shaacisay 38,159 oo Somali ah inay dalkooda dib ugu celisay

UNHCR oo shaacisay 38,159 oo Somali ah inay dalkooda dib ugu celisay31 December 2016

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,ayaa sheegtay in 38,159 Qof oo Somali ah ay ku celisay Somaliya,kuwaas oo ka soo laabta Kenya. 

Waxa ay sheegtay in tan iyo markii uu bilowday howlgalka dib u celinta Qaxootiga Somaliya ee Dhadhaab sanadkii 2014-kii ilaa hadda ay Dad ku dhow afartan kun oo Qof ku laabteen Somaliya. 

UNHCR,ayaa sheegtay in 32,058 oo Qof ay is iskood ah isu diiwanageliyeen kuna laabteen dalkooda iyaga oo raalli ah soona dalbaday halka kuwo kale ay ka baxeen Dhadhaab iyaga oo ka baqaya go’aanka ay Kenya ku xireyso Xerada Dhadhaab. 

Hay’adda waxaa ay rajo wanaagsan ka muujisay inta ku hartay Dhadhaab in ay ka baxaan Sanadka 2017ka ilaa billowga 2018ka,waxaana ay intaa ku dartay in Dadka ay inta badan iskood isu diiwaan gelinayaan. 

Kenya ayaa Bishii November ee la soo dhaaftay sheegtay in muddo lix bilood ah ay ku kordhisay waqtiga ay qaxootiga Soomaaliyeed uga bixi karaan Dhadhaab. 

Qaramada Midoobey ayaase Kenya ugu baaqay in ay Kenya is dejiso islamarkaana joojiso muddeynta iyada oo si tartiib tartiib ah Qaxootiga looga saarayuo Dhadhaab.

Comments