Baarlamaanka Somaliya oo maanta magacaabaya Guddi ka soo shaqeeya xilliga Doorashada ay dhaceyso

Baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Somaliya ayaa la filayaa iney maanta yeeshaan kulankoodii Labaad ee kalfadhiga Koowaad ee baarlamaanka.

Kulankan ayaa ajendaha xubnaha horyaalla uu yahay Labo arrimood oo kala ah: magacaabista guddiga doorasho ee guddoonka baarlamaanka iyo dib u eegis  lagu sameynayo lacagaha musharaxiinta guddoonka baarlamaanka, waana sida uu guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa magacaabi doono Guddi Xildhibaano ah oo ka soo shaqeyn doona, xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

“Saad u maqasheenba, waxaa bilaabanayaa Golaha Shacabka kulankooda, waa Golihii 10-aad ee Somaliya ay yeelato waa kulankiisi ugu horeeyay, waxaa inoo bilaabanayaa howlihii doorashada, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen, waxaa laga hadlayaa waxa weeye Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.” Ayuu yiri Cismaan Cilmi Boqore

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa si weyn loo adkeeyay oo Kulanka Xildhibaanada uu ka dhacaayo maanta oo Sabti ah.

Faallooyin