Madaxweynaha Burundi oo si adag ugu hanjabay ciidamadiisa inuu kala baxayo Somaliya

Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay in ciidankeeda ay deg eg ugala bixi doonto Somaliya, kadib markii ay dowladdaasi sheegtay in ciidamadan aysan helin wax mushaar ah muddo bilo ah.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa Jimcihii ku hanjabay in ciidamo gaaraya 5,500 askari oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee Amisom ay Somaliya kala soo bixi doonaan, maadaama Midowga Yurub aanu bixin mushaarka ciidankaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Nkurunziza waxa uu tilmaamay in khilaafka ka dhaxeeya dalkiisa iyo Midowga Yurub uu saameeya ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Somaliya, sidaasi darteedna waxa uu ku baaqey in ay haboon tahay in Labada arrin la kala qaado.

“Waxaan dalbaneynaa in ciidankeena ku sugan Somaliya la siiyo mushaarkooda, haddii aaney helin waxaan ku qasbannahay inaan ciidamadeena lasoo laabanno, Midowga Yurub waxaa ku waajib ah bixinta mushaarka ciidankaan waana in la kala saaraa khilaafka jira iyo xuquuqda ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somaliya. ayuu yiri madaxweyne Nkurunziza.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ka jooga Somaliya ay weeraro aan joogsi lahayn kala kulmaan Al-shabaab, ayna jiraan khasaare mar walbo ciidankooda soo gaara.

Dhawaan Midowga Yurub wuxuu biyay qarashaadka ciidamada Uganda ee howlgalka Midowga Afrika ka tirsan, waxaana la siiyay lacag dhan Mushaarka 10- bilood oo ciidankaasi aysan horay u qaadan.

Faallooyin