Xaaladda Degmada Afgooye oo caawa degan, ka dib markii ay Shabaabku weerareen

Xaaladda Degmada Afgooye oo caawa degan, ka dib markii ay Shabaabku weerareen29 December 2016

Waxaa caawa degan xaaladda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay casir liqii galabta weerareen dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Xilli Degmada Afgooye looga diyaar-garowbaayay Salaadda Maqrib, ayay Shabaabku weerareen fariisimaha Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin kontoroolka Buulo Fooliyo, oo ku yaala dhinaca koonfureed ee Degmada Afgooye.

Ciidamada Dowladda oo gurmad ka helay ciidamada kale ee ku sugan qaybaha Afgooye, ayaa dib u caabiyay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Shabaabka oo weerarkan ka soo qaaday wadada ka timaada dhinaca deegaanka Awdheegle, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay dib ugu laabteen deegaankaasi.

Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Booliska ee Degmada Afgooye, Kabtan C/laahi Xaaji, ayaa sheegay in dhinacoodu uu hal askari kaga dhintay weerarkaasi, halka ay Shabaabkuna uga dileen maleeshiyaad badan, sida uu yiri.

Wariye-yaasha degan Degmada Afgooye, ayaa soo sheegaya in caawa degmadaasi lagu arkaayo ciidan fara-badan, oo ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya.

Comments