Shacabka Mandhera ku nool oo ka cabanaya Bandowga Dowladda Kenya ay ku kordhisay

29 December 2016

Shacabka ku nool Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa ka hadlay Bandowgii saarnaa Magaalada Mandheera ee Dowladda Kenya ay ku kordhisay.

Shacabka ku nool Magaalada Mandheera ayaa ka cabanaya bandowga waxaana ay sheegeen in bandowgan uu saameyn ku yeeshay ganacsigii iyo nolal maalmeedkii shacabka Magaalada Mandheera.

Dadka ku dhaqan Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Bandowgan uu cuuryaaminayo noloshooda, islamarkaana ay dhibaato weyn ku tahay.

Dowladda Kenya, ayaa saddex bilood ku kordhisay bandowgii saarnaa Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, xilli bandowgaasi uu shalay ku ekaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa 27-kii bishii October ku dhawaaqay Bandow socon doono muddo Laba bilood, si ay uga hortaggan weerarada Ururka Al Shabaab.

Bandowgan, ayaa si rasmi ah uga dhaqangalay Magaalada Mandheera 28-kii bishii October. Bandowga oo 12 saac ahaa, ayaa bilaabanaayay 6:30 maqribnimo, kuna ekaa 6:30 subaxnimo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in bandowgii saarnaa magaaladaasi lagu kordhiyay muddo saddex bilood ah, iyadoona uu bilaowday 28-kii December, isla-markaana uu socon doono illaa 28-ka bisha March ee sanadka soo socda.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in bandowgu uu saamaynayo Deegaanada Cumar Jilicow, Carabiya, Fiino, Lafey iyo Ceelwaaq Kenya. Dhammaanba deegaanadan waxay hoos-taggan Mandheera.

Comments