UK oo muwaadiniinta Somalida ee haysta dhalashada dalkaasi uga digtay Musuqa Doorashada Somaliya

UK oo muwaadiniinta Somalida ee haysta dhalashada dalkaasi uga digtay Musuqa Doorashada Somaliya29 December 2016

Dowladda UK ayaa sheegtay in ay xooga saari doonaan in ay talaabo cad ka qaadi donaan shaqsiyaadka arrimaha Musuq-maasuqa Soomaaliya lug ku yeesha, oo ay ku ciqaabi doonaan.

Safiirka Dalka Ingiriiska wakiilka uga ah Somaliya Harriet Mathews ayaa Barta ay Twitterka ku leedahay soo dhigtay digniin culus oo ka dhan ah Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee asalkooda ka soo jeedo Somaliya, waxaana ay uga digtay in ay ku lug yeeshaan Musuqa Doorashada.

Doorashada Somaliya ayaa si aad ah loo tuhmayaa inuu hareeyay Musuq maasuq xoogan oo ku aadan hanaanka Dooarashada loo maamulay.

Inkastoo qoraalka UK ka soo baxay uu yahay mid kooban oo aanan aad loogu faah-faahin tallaabada laga qaadi doono dadka lagu helo ku lug lahaanshaha arimaha Musuqa, hadana UK waxa ay sheegtay inaysan wanaagsaneyn inay ku lug yeeshaan arimahaasi.

Beesha caalamka ayaa dhawaan sheegtay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Comments