Ciidamada Booliska Galmudug oo soo qabtay nin dil ka geystay deeganada Maamulkaasi

Ciidamada Booliska Galmudug oo soo qabtay nin dil ka geystay deeganada Maamulkaasi29 December 2016

Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug, ayaa gacanta ku soo dhigay nin dil ka geystay deegaanada Maamulkaas, kadibna ka baxsaday goobti uu dilka ka geystay.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay ninkaan inay ku daba jireen, kadib markii uu deegaanka Camaara ku dilay nin la shaqeynaayay Hay’adda ICRC.

Taliye ku xigeenka Booliska degmada Cadaado Cumar Macallin Cali, ayaa sheegay howlgalo ay sameeyeen ciidamada Booliska inay ugu suuragashay soo qabashada ninkaasi.

 “Meesha dilka ka dhacay waxay Cadaado u jirtaa 195 Km, ciidan Booliis ah waxay ka baxeen halkaan, dabagal dheer kadibna ninka gacan ku dhiiglaha ah waan soo qabannay, hadda saldhigga degmada ayaa lagu hayaa, maxkamad ayaa la geynayaa, kolley wixii ay isku gartaan Labada reer ayuu xukunka noqon doonaa” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Booliiska degmada Caddaado.

Inta badan dilalka qorsheysan ee salka ku haayo arimaha qabiilka ayaa ka dhaca deeganada Gobolka Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Somaliya.

Comments