Kooxo hubaysan oo xalay Degmada Heliwaa ku dilay Nabadoon Axmed Dhoore

Kooxo hubaysan oo xalay Degmada Heliwaa ku dilay Nabadoon Axmed Dhoore29 December 2016

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Koox hubaysan, ayaa xalay fiidkii Degmadaasi waxa ay ku dileen Nabadoon Axmed Dhoore oo ka tirsan Odayaasha deegaanka. 

Nabadoonka ayaa la sheegay in lagu dilay meel ku dhaw Masjidka weyn ee Degmada Heliwaa,m iyadoo lagu guda jiro Salaadii Cishaha xalay. 

Wararka waxa ay sheegayaan Nabadoonka inay dileen rag hubaysan, kadibna ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen. 

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan Nabadoonka inuu ka mid ahaa Ergadii tagtay Magaalada Cadaado, suuragalna ay tahay in arimahaasi loo dilay. 

Dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo dadka Nabadoonada ah ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho.

Comments