Madaxweynaha Puntland oo laga dalbaday inuu tayeeyo Booliska Puntland

Madaxweynaha Puntland oo laga dalbaday inuu tayeeyo Booliska Puntland28 December 2016

Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa laga codsaday inuu ka shaqeeyo tayeynta ciidamada Booliska Puntland, sida uu dalbaday Taliyaha ciidamada Booliska Maamulkaasi. 

C/qaadir Shire Faarax Ereg, Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay maamulka Puntland in laga doonaayo soo dhameystirka dhamaan waxyaabaha asalka u ah shaqada ciidanka Booliska. 

Waxa kale uu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Puntland inay ka doonayaan Bulshada ku nool deeganada Puntland inay muujiyaan sida ay ula shaqeeyaan ciidamada Booliska, maadaama la’aantood ciidanka aysan shaqeyn karin. 

Booliska oo ka qayb qaata suggida ammaanka Magaalooyinka, ayaa hadii uusan wada shaqeyn ka helin Bulshada shaqada booliska aysan noqoneyn mid wanaagsan.

Comments