Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo gaaray dalka Kuwait (SAWIRRO)

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo gaaray dalka Kuwait (SAWIRRO)28 December 2016

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada dowladda Soomaaliya ee ku taalla dalka Kuwait ayaa soo dhaweeyay Xeer ilaaliyaha Qaranka sida Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalkaasi Cabdulqaadir Amiin Sheikh.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa la filayaa inuu kulamo howleed la qaato dhiggiisa Dalka Kuwait iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Adeega Garsoorka ee Kuwait.

Ujeedada safarka Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu ku tagay dalka Kuwait, ayaa waxa ay la xiriirtaa tababar uu u soo xiraayo qaar ka mid ah Xeer Ilaaliyeyaal Somaliyed oo lagu tababaraayo Machadka tababarada adeega Garsoorka ee dalka Kuwait.

Muddo saddex cisho ah ayuu Xeer Ilaaliyaha Somaliya ku sugnaan doonaa dalka Kuwait, sida uu xaqiijiyay Safiirka Somaliya ee dalkaasi.

Kuwait ayaa ka mid ah dalalka taageerada u fidiya Somaliya, iyadoo hada Xeer ilaaliyaal ka tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta Somaliya tababar ay siinayso Wasaarada Cadaalada dalka Kuwait. 

14829163843e401.jpg

148291638688d39.jpg

1482916388fc0dc.jpg

1482916390aff27.jpg

Comments