Madaxweyne Xasan oo sheegay dalka inuu ka gudbay marxaladii kala guurka aheyd

Madaxweyne Xasan oo sheegay dalka inuu ka gudbay marxaladii kala guurka aheyd28 December 2016

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalku uu ka gudbay xilligii kala guurka ,islamarkaana uu yeeshay Baarlamaan cusub.

Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in Baarlamaankaan cusub ay wax badan ka badalan yihiin Baarlamaanadii soo maray dalka , maadaama ay yihiin kuwo laga soo doortay deegaanadii ay ku matali lahaayeen dowladda Somaliya.

Baarlamaankan cusub ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Xasan in uu yahay Baarlamaankii ugu dhalinyarada badnaa uguna dumarka badnaa Baarlamaanadii dalka soo maray.

Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub in  ay noqdaan kuwo daacad ah oo ka shaqeeya horumarka iyo midnimada umada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waa ka gudubtay marxaladii kala guurka ahaa, waa cusub ayaa u bilowday, waxaa hambalyo leeyahay Baarlamaanka cusub ee la dhaariyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Waxaa uu sheegay in dalku uu gaaray horumar la taaban karo ,madaam xildhibaanada cusub mid kaste oo ka mid ah ay soo doorteen 51 Ergo.

Comments