Kenya oo muddo saddex bilood ah ku kordhisay Bandowgii xilliga habeenkii saarnaa Gobolka Waqooyi Bari

Kenya oo muddo saddex bilood ah ku kordhisay Bandowgii xilliga habeenkii saarnaa Gobolka Waqooyi Bari28 December 2016

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in wali ay taagan Khatarta Al-Shabaab kaga imaan karta dadka ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya , islamarkaana ay qasab noqotay in la kordhiyo bandowgii Saarnaa Magaalooyin ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissary ayaa warbaahinta u sheegay in Bandowgii Sarnaa Mandera iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada la kordhiyay oo la gaarsiiyay ilaa iyo 28 ka March ee Sanadka 2017.

Deegaanada uu Bandowgu sii saarnaan doono ayaa kala ah Mandheera, Cumar Jilo, Carabia,Fino, Lafey katulo, iyo Ceel Waaq.

Deegaanada dowladda Kenya ay sheegtay in Bandowga lagu sii kordhiyay ayaa looga baahan yahay dadka ku nool in ay guryahooda  ku xaroodaan  6:30 Maqribnimo Waxaana ay banaanka u soo bixi karaan  6:30 Subaxnimo.

Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari  ee dalka ayaa sheegaya in shacabka kunool degaanadaasi uu cuuryaamiyay Bandowga , islamarkaana uu hoos u dhacay dhaqaalahooda.

Comments