Qarax gaari lagu soo xiray oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaan Maalin taajir, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo ahaa nooca raaxada ah, ayaa waxaa lahaa nin ganacsade ahaa, kaasi oo la doonaayay in lagu khaarijiyo, balse uu ka badbaaday isku daygaasi.

Wararka waxa ay sheegayaan xilliga gaariga uu qarxaayay in kaligiis uu meel yaalay, wax khasaare ahna kama uusan dhalan qaraxaasi, sida goobjoogayaasha ay inoo xaqiijiyeen.

Ninka ganacsadaha ah ee gaarigaasi watay ayaa la sheegay inuu meel maqaayad ah ka cunteynaayay xilliga gaarigiisa uu qarxaayay, balse uu soo ku soo baxay jugta qaraxa, misna uu arkay gaarigiisa oo bur buray.

Ilaa hada lama oga isku dayga dilkaasi qorsheysan ee lala damacsanaa ninkaasi ganacsadaha ah cida ka dambeysa.

Ciidamada Nabad Suggida ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyadoo jawiga uu hada yahay mid degan.

Faallooyin