Jubbaland oo ciidamo badan u dirtay duleedka Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Jubbaland oo ciidamo badan u dirtay duleedka Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)28 December 2016

Maamulka Jubbaland ayaa ciidamo badan oo dheeraad ah u diray deegaanno ku dhow magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamulkaasi oo kaashanaya kuwo deegaan iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Ciidamadan oo hubeysan ayaa lagu daabulay gaadiidka waaweyn ee dagaalka, waxaana la sheegay inay tagi doonaan deegaanno hor leh oo gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Aadan Koojaar oo ah taliyaha ciidamada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ciidamadan ay Al-shabaab ka saari doonaan deegaannada Jubbaland, gaar ahaan meelaha hadda dagaallada ay ka socdaan ee Jubbada Hoose.

Waxa uu tilmaamay Taliyaha inay u diyaarsan yihiin difaaca shacabka Jubbaland, islamarkaana ay ciidanka naftooda u huri doonaan inay la dagaallamaan Al-shabaab.

Ciidamada ayuu sheegay hujuumka ugu horeeya inay ku wajihi doonaan deeganada Buulo Xaaji iyo deeganada ku hareeraysan si Shabaab ay halkaasi uga sifeeyaan.

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab ayaa Todobaadyadii ugu dambeeyey ka socdey deegaanno ku dhow Kismaayo, waxaana dagaalladaasi ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. 

148290317577a55.jpg

148290317650e40.jpg

1482903178211bf.jpg

1482903180b48ca.jpg

1482903182ebae5.jpg

14829031847b266.jpg

148290318665411.jpg

148290318813fce.jpg

Comments