Puntland oo Sabtida dib u bilaabeysa Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose

08 December 2016

Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Puntland, ayaa sheegay inay dib u bilaabayan Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Illaa iyo hadda waxaa Magaalada Garoowe lagu soo doortay 22 Xildhibaan, oo ka mid noqonaya 37-ka Xildhibaan ee Puntland ku meteli doona Aqalka Hoose, inkastoo uu mid ka mid ah Xildhibaanada la doortay uu geeriyooday bishii hore ee November.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, Khaliif Aw Cali, ayaa wuxuu galabta ku dhawaaqay in Doorashooyinka Xildhibaanada, ay dib u bilaabi doonaan Sabtida soo socota.

Gudoomiyaha, ayaa waxaa uu musharixiinta tartameysa uu ugu yeeray in si deg deg ihi ay ku yimaadaan Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale ergada soo dooraneysa Xildhibaanada ku wargeliyay in ay yimaadan Garoowe, si loo dardar-geliyo kuraasta inta harsan.

Comments