Duulimaadkii Garoonka Aadan Cadde oo saaka hakad galay

Duulimaadkii Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa saaka hakad galay kadib markii Shirkadaha Diyaaradaha ay ku dhawaaqeen shaqo joojin inay sameeyeen.

Shaqo joojinta Shirkadaha Diyaaradaha ayaa timid, kadib markii Shirkada Favori oo maamusha Garoonka Aadan cadde, maamulayaasha Shirkadaha ay ku amartay in shacabka lagu soo rogo qarash dhan $20 doolar.

Favori ayaa sida la sheegay Shirkadaha Diyaaradaha masuuliyiintooda waxa ay ku amartay in qarashkaasi laga qaadaayo shacabka la raaciyo lacagaha ticketka ah ee Bulshada laga qaado, waxaana taasi ay keentay inay ka biyo diidaan masuuliyiinta Shirkadaha.

Masuuliyiinta Shirkadaha ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin, kadib markii ay sheegeen arintaasi inay keenayso culeys hor leh, iyaga oo sheegay dhaqaalaha hada Bulshada laga qaado inuu yahay mid sare.

Duulimaadyadii xilligaasi ku diyaarsanaa Garoonka Aadan Cadde ayaa hakad galay, waxaana taasi ay keentay in saacado dib u dhac ah ay galaan rakaabkii doonaayay inay safraan.

Kulan dhexmaray masuuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha iyo Shirkada Favori ayaa masuuliyiinta Favori waxa ay sheegeen in la fasaxo rakaabka iyo Diyaaradaha taagan, arintaan ay ka wada hadli doonaan.

Shirkadaha Ajaanibta ee Garoonka Aadan Cadde ka shaqeeya ayaa culeys saaraya Bulshada Somaliyed, taasi oo ah inay dhaqaale ku soo rogaan.

Faallooyin