Dib u dhac ku yimid Doorashooyinka Aqalka Sare ee Somaliland oo Muqdisho ka dhici rabay

Magaalada Muqdisho maanta waxaa la filayay in ay ka dhacdo ka dhacdo Doorashada xubnaha Aqalka Sare, sida ay horey sheegeen Guddiga fulinta ee Doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee u gaarka ah Goballada Waqooyi, balse Doorashadaasi dib ayay u dhacday.

Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay Doorashada in ay dib u dhac uu ku yimid, waxaana ay sheegeen Doorashada in  ay dhici doonto maalinta sabtida ah.

Doorashadan ayaa waxa ay ka dhici doontaa xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb gali doona Xubnaha buuxiyay shuruudaha Musharaxnimo ee Doorashada Aqalka Sare.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa haatan waxaa si habsami leh kaga socota Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa soo gaba gabeeyay Doorashooyinka Golayaasha Qaranka, iyadoo sidoo kale heer gabo gabo ah ay marayaan Doorashooyinka wali ka socda magaalooyinka kale ah ee Dalka.

Faallooyin