Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Somaliya oo ku guuleystay Doorashada Aqalka hoose ee ka socota Muqdisho

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Somaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ku soo baxay Kursigii ugu horeeyay ee Doorashada Xubnaha Matala Gobolada Waqooyi taasi oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cumar Carte, ayaa ku soo baxay codad gaaraya 47 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamaayay Axmed Cismaan Ismaaciil uu helay codad gaaraya 4 cod.

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashada, waxaana ay sheegeen Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka inuu noqday Xildhibaan Aqalka hoose u matalaya Beeshiisa.

Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi ee Aqalka hoose ayaa ka socota Xarunta Gaadiidka Booliska, halkaasi oo si weyn amnigeeda ciidamada Dowladda ay u adkeeyeen.

Faallooyin