Dab Khasaare geystay oo ka kacay goob ganacsi oo ku taal Magaalada Kismaayo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland goob ganacsi oo ku taal Magaaladaasi ayaa waxaa ka kacay dab Khasaare geystay.

Dabkan ayaa ka kacay xarun lagu diyaariyo Macmacaanka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ugu yaraaan Hal qof ayaa ku dhaawacmay dabkaasi, waxaana sidoo kale gabi ahaanba baaba’ay guud ahaan dukaankii dabka uu ka billowday.

Dadka deegaanka oo kaashanaya maamulka Jubbaland ayaa billaabey iney damiyaan dabkaasi si aanu ugu faafin xarumaha kale ee ganacsiga, iyadoo lasoo sheegayo in lagu guuleystay daminta dabkaasi.

Lama oga khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dukaankan inta uu la egyahay, waxaana dabkan uu yahay midkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ka kaca magaalada Kismaayo tan iyo dhismaha maamulka Jubbaland.

Faallooyin