Fox News oo kasoo horjeestay Trump kuna tilmaamay inuu aad u xad gudbay!

Warbaahinta uu ugu jecelyahay Donald Trump, ee Fox News, ayaa weerar afka ah ku qaadeen madaxweynaha Maraykanka oo ay ku tilmaameen inuu ku xad-gudbay " ka dib markii uu dhaleeceeyay saxaafada Maraykanka, oo amaanay madaxweynihii ka horreeyay Barack Obama inuu uga dulqaad badnaa suxufiyiinta marka ay wax ka sheegaan shaqadiisa.

Maalintii Jimcaha, Trump ayaa weeraray wargayska New York Times, iyo baahiyayaasha shabakadaha wararka ee CNN, NBC, ABC iyo CBS "oo uu sheegay inay yihiin warbaahin been abuur ah" islamarkaana ugu yeedhay "cadowga dadka Amerika.

" Waraysi uu la yeeshay madaxa shaqaalaha ee aqalka cad Reince Priebus ayaa axadii, wariyaha Fox News Chris Wallace ayaa cadeeyay Fox News, inkastoo ay amaanaan Trump, lama jiraan dhinaca madaxweynaha.

"Anaga waxaan nahay idaacad weyn.Waxaan dhaleecaynaa madaxweyne walba. haday rabaan in ay dib noo dhaleeceeyaan, taasi dhib kuma jiro, "ayuu u sheegay Priebus.

"Laakiin markii uu sheegay warbaahinta been abuurka ah ma aha cadowgayga, waa cadowga dadka Amerika, waxaan aaminsanahay inuu aad u xad gudbay."

Faallooyin