Waardiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya oo toogasho lagu dilay

Mid ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Kenya Justin Muturi ayaa waxa toogtay oo dilay wardiye kale oo ay isla shaqeeyaan ka dib markii uu dagaal dhexmaray.

Taliyaha booliska Nairobi Yaafed Koome ayaa sheegay in bilayska loogu yeeray guriga afhayeenka, ee ku yaala Muthaiga, qiyaastii markay saacada aheed 1:30 am.

"Bilayska ayaa islamarkiiba gaaray goobta dhacdada... halkaa oo kaliya ay joogeen labada ilaalada ," ayuu u sheegay warbaahinta.

"Waxay ku jireen qolkii waardiyayaasha. Markii aan halkaas tagnay mid ka mid ah ayaa laga toogtay xabadka sagaal jeer," ayuu yiri Koome oo aan sheegin faahfaahin dheeri ah.

Taliyaha ayaa sheegay in dhibanaha loola cararay isbitaalka laakiin marka ay yimaadaanba uu dhintay.

"Waxaan qaadnay hubka si loogu sameeyo baaritaan lagu ogaanayo wixii dhacay," ayuu yiri. Koome ayaa intaa ku daray in tuhmanaha lubka laga dhigay lana xiray.

Faallooyin