Indonesia: In ka badan 100-Kun oo qof oo ka mudaaharaday Duqa magaalladda Jakarta ee aflagaadeeyay diinta islaamka ka hor doorashada.

11 February 2017

In ka badan 100-Kun oo qof ayaa isugu soo baxay caasimadda dalka Indonesia iyagoo salaada kuwada tukaday masaajidka qaran ee Jakarta, halkaas oo hoggaamiyeyaasha diinta ay dadka ku booriyeen inay taageeraan Murashaxiinta Muslimiinta ee u taagan xilka duqa magaalladda Jakarta ee cod bixinta toddobaadka soo socda dhici doonta.

Qabanqaabiyayaasha ayaa go'aansaday in lagu qabto maanta isu soo baxa Masaajidka Istiqlal ka dib markii booliska mamnuucay dibad-baxa wadooyinka ee kuwa kasoo horjeeda Guddoomiyaha Basuki Tjahaja Purnama, oo ku magac dheer Ahok, oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Quraanka.

Ahok ayaa xilka kula tartami doona laba musharaxiinta Muslimka: Agus Harimurtri Yudhoyono iyo Anies Baswedan, tartanka oo ay falanqeeyayaasha ku tilmaameen mid culus ka hor doorashada madaxtinimada ee 2019.

"Bisha February 15, waxaan ku faraxsanahay inaan u codeeno hogaamiye Muslim ah," mid ka mid ah hoggaamiyayaasha diinta oo ka hadlay Munasabadaasi,, Maulana Kamal Yusuf.

"Jakarta waxa u talin doonaa hoggaamiye Muslim ah ," ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo ku boorriyay cod bixiyayaasha si ay u doortaan Yudhoyono ama Baswedan. "Jakarta waxay noqon doontaa magaalo diinta islaamka ayuu ku daray."

Comments