ICRC: Lix shaqaalaha gargaarka Laanqayrta Cas oo lagu dilay Afghanistan

09 February 2017

Dagaalyahannada looga shakiyay kooxda ISIL ayaa ku dilay ugu yaraan lix shaqaalaha Afganistan ee Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) kuwaas oo sahay u waday meelaha ay ku dhufteen dabeylaha barafka dilaaga ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

laba shaqaalaha kale ayaa la la'yahay kadib weerarkii Arbacada ee gobolka waqooyiga Jowzjan, ayuu yiri afhayeenka ICRC Thomas Glass, isaga oo intaa raaciyay in kooxdu aysan wali aqoonin kuwa mas'uul ka ahaa weerarka.

"Isagoo ka naxsan weerarka Afqaanistaan Peter Maurer, Madaxweynaha ICRC, ayaa sheegay Twitterka. "inuu tacsi tiiraanyo le u diray qoysaska kuwii lagu dilay - iyo kuwa weli la la'yahay.

" ICRC waxa ay joojiyeen hawlaha ay dalka ka qabanayaan weerarka kadib, ayuu yiri madaxa hawlgallada caalamiga ah ee kooxda Dominik Stillhart, "maxaa yeelay, waxaan u baahan nahay in la fahmo waxa dhab ahaan dhacay ka hor inta sida aan rajeynayo dib loo bilaabin hawlaha

Comments